Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo Muqdisho lagu dilay

Dabley hubaysan ayaa xalay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay  askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in kooxda hubaysan ay degmada Kaaraan ku dileen laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay  Axmed-deey Gadaf iyo Sakariye Cali Aaden.

Kooxdii dilka fulisay ayaa midkood goobta lagu toogtay halka intii kalena carartay sida wararku sheegayaan.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka loo gaystay labadaas marxuum eek a tirsanaa ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST