Maraakiib jariif ba’an ku haya Gobolka Gardafuu

Guddoomiyaha degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, Cabdullaahi Ciise Saalax oo wareysi siiyay Telefishinka dowladda Puntland, ayaa cabasho ka muujiyay maraakiib jariif ba’an ku haya xeebaha degmadaas.

Maraakiibta jariifka ah ayaa caqabad ku noqday hawl-maalmeedka kalluumeysatada degaanka, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsantahay wax-soo-saarka badda.

Guddoomiyaha degmada Caluula ayaa sheegay in maraakiibta qaarkood oo ay rukhsad siisay xukuumadda Puntland ay dhibaato ku hayaan kalluumeysatada maxalliga ah ee degaanka.

Guddoomiyaha ayaa Wasaaradaha ku shaqada-leh ka dalbaday, in ay wax ka qabtaan jariifka lagu hayo xeebaha degmada Caluula iyo guud ahaan Gobolka.

Gobolka Gardafuu ayaa ka kooban shan degmo oo dhammaantood saaran xeebta, waxaana muddooyinkan dambe halkaas laga soo sheegayaa maraakiib jariif ah.

PUNTLAND POST