Dagaal beeleed culus oo ka socda nawaaxiga Galinsoor

Dagaal xooggan oo u dhexeeya laba malayshiya-beeleed ayaa galabta ka qarxay degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Malayshiyaad hubaysan oo ka soo kala jeeda degmada Galinsoor iyo Dhabbad ayaa ku dagaallamaya degaanka Mira-cawleed sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Lama sheegin weli waxa uu ku salaysanyahay dagaalkaas u dhexeeya labada malayshiya-beeleed.

PUNTLAND POST