Hanti-dhawrka guud ee dowladda Puntland ayaa xannibaad saaray dhammaan AKoonnada Lacagta ee wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Warqad ka soo baxday Hanti-dhawrka guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax ayaa lagu xannibay dhammaan Akoonnada wasaaradda ilaa iyo amar dambe.
Hnati-dhawrka ayaa sheegay in baaris ku socoto wasaaradda Waxbarashada Puntland waxaana shaqada laga joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaas oo lagu eedeeyay lunsasho hanti dadweyne.

PUNTLAND POST