Guddi loo saaray dib u eegista Habraacyadii doorashada Aqalka hoose

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa xalay kulamo siyaasadeed ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulamada ayaa waxaa looga hadlaayay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka, doorashooyinka iyo habraacii doorashada Golaha Shacabka ee maalin ka ahor ay  soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ogolaaday in laga wada hadlo qodobada ay cabashada iyo diidmada ka keeneen Midowga Musharaxiinta ee ahaa habraacii doorashada Golaha Shacabka.

Labada dhinac ayaa waxaa ay iska magacaabeen Guddi min saddex xubnood ah, si turxaan bixin loogu sameeyo qodobada qaar ee ku xusnaa habraaca sida Arrinta soo xulida ee Ergada ee odayaasha dhaqanka, kaalinta Bulshada rayidka iyo arrinta hubinta Ergada ee Hey’adda dambi baarista CID iyo qidmadaha tartamayaasha iyo ergada.

Maanta ayay shir isugu imaan doonaan guddi min saddex xubnood ah labada dhinac ah waxaa Midowga Musharaxiinta ka socda Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Shariif Xasan iyo Daahir Geelle, halka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka socdaan Madaxweyne Siciid Deni, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Axmed Qoorqoor.

PUNTLAND POST