Golaha Wada-tashiga Qaran oo Muqdisho kula shirsan wakiilada Beesha Caalamka

Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxda shanta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, ayaa maanta Xarunta Afiyooni kula shirsan wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir-guddoominayo Ra’iisul wasaare Rooble waxa ka qayb-galaya Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni, Jubaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.

Shirkan waxa looga hadlaya Arrimaha Doorashooyinka dalka, gaar ahaanna Dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka ee laga doonayo Beesha Caalamka, sida uu sheegay Af-hayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani.

Madaxweyne Deni ayaa hadda ka qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu la leeyahay Wakiillada Beesha Caalamka, Kulanka ayaa looga hadlaya in la helo dhaqaalihii loogu talagalay Doorashada inta aan weli la helin” ayuu yiri Dabaraani.

PUNTLAND POST