Galmudug oo Odayaasha dhaqanka kala hadashay dagaalka Al-shabaab

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa shir gudoomiyay Kulan looga hadlayay la dagaalanka kooxaha Alshabaab iyo Xoojinta Amniga Koonfurta Gobalka Mudug.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheikh Xassan, Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo iyo ururada Dhalinyarada.

Waxaa diirada lagu saaray Kulanka Xoojinta Wajiga Labaad ee Hawlgalka Al-shabaab looga saarayo Gobolka Mudug oo si toos ah loo iclaamiyay.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada in aysan u kala harin dagaalka ka dhankaa Kooxda Al-shabaab ee gabalkoodu sii dhacayo, isla markaana looga itaal roonaaday Dagaalka Koonfurta Gobalka Mudug ka socda oo deegaano badan looga qabsaday.

Odoyaasha dhaqanka ayaa balan qaaday inay doorkooda ka qaadan doonan ciribtirka maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana bulshada ay ku boorinayaan ka qeyb qaadashadiisa.

PUNTLAND POST