Al-shabaab oo mudda kooban la wareegtay degaanka Cammaara

Kooxda Al-shabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday degaanka Cammaara oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Weerarka oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo gaari lagu soo raray, ayaa sida wararku sheegayan waxa ka dhashay khasaare kala duwan.

Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay mudda  kooban dib ula wareegtay saldhigyada degaanka Cammaara, haddana ay isaga baxday, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha.

Degaanka Cammaara ayaa kamid ah degaannadii dhowaan laga saaray Al-shabaab, islamarkaasna ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

PUNTLAND POST