Turkiga iyo Jarmalka oo ka wada-hadlay Qaxootiga Afgaanistaan

Madaxweynaha waddankaTurkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ku wada xiriiray khadka Telefoon-ka ayaa ka wada hadlay xaaladda Afgaanistaan.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sheegay in talaabooyin dheeri ah la qaado si wax looga qabto qulqulka Qaxoontiga Afgaanistaan maadaama Turkiga hore u qaabilay shan milyan oo magalgelyo doon ah ayna ku adag tahay inuu wajaho xaaladda magangelyo doonka Cusub.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Agaasimka isgaarsiinta Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu yiri “ Yurub waxa ay leedahay waajibaadyo muhiim ah si looga hortago socdaalka aan joogtada ahayn inuu isu beddelo dhibaato.”

Erdogan iyo Merkel ayaa   ku heshiiyeen inay si dhow u wada shaqeeyaan si ay u taageeraan shaqada hay’adaha caalamiga ah ee Afgaanistaan ​​iyo dalalka deriska la ah.

PUNTLAND POST