Guddi loo saaray dhacdadii Golweyn oo maanta la kulmaya saraakiisha AMISOM

Guddi heer wasiiro ah oo Ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka dad rayid ah oo lagu laayay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu wadaa in ay maanta la kulmaan saraakiisha AMISOM.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhacdada lagu laayay dadka rayidka ah.

Guddiga ayaa ka kooban Wasiirka Amniga, Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka Difaaca iyo Wasiirka Caddaaladda.

Ra’iisul wasaare Rooble oo shalay la kulmay safiirka Uganda islamarkaana kala hadlay dhacdadan ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dilka lagula kacay dadkaas rayidka ah.

PUNTLAND POST