Golaha BarlamaankaJubbaland oo ansixiyay Qoondada Miisaaniyadda

Golaha Barlamaanka  Dowlad Gobbledka Jubaland ayaa manta yeeshay kalafadhigii  sadexaad fadhigiisa todobaad kaas oo  uu ahaa Ajanduhu  ka doodista iyo wax ka badalida  xeerka qoondada miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyada Jubbaland maadama ay soo kordheen wasaaraddo cusub oo ku soo biiray wasaaradihii hore.

Kulanka Golaha Barlamaanka  Jubbaland ayaa waxaa manta soo xaadiray 49 xildhibaan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Xusen Xirsi Axmed   oo Golaha ka hor hadlay ayaa sheegay in wasiirka maaliyada uu awood u leeyahay 10% oo kaliya wax-ka badalka xeerka maaliyadda balse hadda loo bahan yahay in dib eegis uu baarlamaanka Jubbaland ku sameeyo xeerka qoondada maaliyada.

Golaha baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka qoondada miisaaniyada ee wax laga badalay, waxaana ogolaatey xeerka 48 xildhibaan halka halĀ  xildhibaana uu ka aamusay.

PUNTLAND POST