Dowladda Uganda oo maanta qaabilaysa Qaxootigii u horreeyay ee Afghanistan

Mas’uuliyiinta waddanka Uganda, ayaa xaqiijiyay in ay maanta oo Axad ah qaabilayaan 145 qof oo ka mid ah Qaxootiga laga keenayo dalka Afghanistan.

Dowladda Uganda ayaa dhowaan ogolaatay, in ay qaabisho Qaxootiga Reer Afghanistan  ee laga soo daad-guraynayo dalkaas, kadib markii Daalibaan talada la wareegtay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga, Esther Anyakun ayaa sheegtay in hay’adda Laanqeybta Cas ee Caalamiga iyo hay’adaha kale ee iskaashiga la leh ay dowladda Mareykanka kala shaqeynayaan sidii Qaxootiga lagu gaarsiin lahaa Uganda.

Horraantii toddobaadkan, ayay Anyakun sheegtay in Uganda ay aqbali doonto illaa 2,000 oo qaxooti Afghanistan ah, inkasta oo mas’uuliyiin kale ay sheegeen in arrintu weli tahay mid laga doodayo.

PUNTLAND POST