AMISOM oo qirtay in ay dad rayid ah ku laayeen degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose

Howlgalka Nabad Ilaalinta  Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa qirtay in askar ka tirsan Ciidamada Uganda ee AMISOM ay dad rayid ah ku dileen degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM, ayaa waxaa lagu sheegay in  AMISOM ay ka go’aan tahay baaritaanka kiiska, kaas oo la soo geba-gabeyn doono lixda BISHA September ee soo socota, ayna baaritaanka kala Shaqeyn doonaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Si loo baaro dhacdadan halista ah lagana taliyo tallaabooyinka dabagalka ah. AMISOM waxay sameysay Guddi Baaritaan oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo isla markiiba bilaabay shaqadooda. Baaritaankan sharciga ah waxaa hoggaaminaya sarkaal sare iyo laba xubnood oo ka socda Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa. Xubnaha kale waxaa ku jira sarkaal sare ooka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliva aya sidoo kale lagu yiri” Qoraalka ka soo baxay AMISOM.

Warka AMISOM ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Soomaaliya ay guddi heer wasiiro ah u saartay dhacdadan, islamarkaana lagu wado in guddigaas maanta kulamo la yeesho saraakiisha ugu sarraysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

PUNTLAND POST