Xubno ka tirsan gudiga xallinta khilaafaadka doorashada oo ku wajahan Garoowe

Xubno ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa saaka ku wajahan caasimadda Puntland ee Garoowe.

Lix xubnood oo ka tirsan guddigaas, ayaa Garoowe u imaanaya, si ay goob-joog uga noqdaan doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland.

Doorashada Aqalka sare ayaa maanta ka dhacaysa Garoowe, waxaana haatan xarunta Baarlamanka ka socda khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilalkaas.

PUNTLAND POST