Shan xubnood oo ku soo baxay doorashada Aqalka sare ee Garoowe ka socota

Shan xubnood ayaa ilaa iyo hadda ku soo baxay doorashada Aqalka sare ee ka socota xarunta Baarlamanka Puntland ee Garoowe.

Xubnaha la doortay ayaa kala ah; madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo isagu hore u fadhiyay Aqalka sare afartii sano ee la soo dhaafay.

Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo Puntland ka soo noqday wasiirka Maaliyadda iyo madaxweyne ku xigeen, kaas oo cod gacan-taag ah lagu doortay kadib markii ay u tanaasushay, Kawsar Cabdullaahi.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo isna lagu doortay cod-gacan taag ah, kadib markii uu u Cabdullaahi Xaashi oo la tartamayay.

Wasiirka dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Majiino ayaa noqday shakhsiga afraad ee ilaa iyo haatan ku soo baxay Aqalka sare, kadib markii uu u tanaasulay Maxamed Geeddi oo la sharraxnaa.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) ayaa loo doortay xubinimada Aqalka sare kadib markii uu u tanaasulay Ismaaciil Mire Mumin oo la sharraxnaa.

PUNTLAND POST