Garoowe: Cabdiraxmaan Faroole oo mar kale loo doortay Aqalka sare ee Baarlamanka dalka

Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta mar kale loo doortay xubin ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Senetor Cabdiraxmaan Faroole ayaa noqday xubintii u horraysay ee maanta lagu doortay doorashada Aqalka sare ee ka socota Garoowe.

Faroole ayaa 54-cod kaga guulaystay Maxamed Cismaan Colaad oo kula tartamay xilkan islamarkaana helay 11-cod oo keliya.

Ex. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa hore Puntland madaxweyne uga soo noqday 2009/2014.

Sidoo kale Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa isna cod gacan-taag ah lagu doortay kadib markii ay u tanaasushay Kawsar Cabdullaahi oo la tartamaysay.

PUNTLAND POST