Cumar Finish oo xilalka ka qaaday Guddoomiyaal degmo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa xilalka ka qaaday afar gudgoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, sida uu sheegay afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ah:

1- Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir.
2- Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan.
3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac.
4- Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle. Waxaa xilka guddoomiyaha degmadaas loo magacaabay Mire Salaad Dhuxulow.

Afhayeenka ayaa sheeegay in xil ka qaadista ay qeyb ka tahay dadaallo lagu horumarinayo adeegyada ay bulshada ka sugayaan maamulka gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay.

Xil ka qaadistan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii dhowaa ay cabasho ka jirta Muqdisho oo la xiriirta qaar ka mid ah waddooyinka magaalada oo burbursan, daadana ay buuxiyeen.

PUNTLAND POST