Uhuru Kenyatta oo ku baaqay in si saaxiibtinimo leh loo dhammeeyo muranka badda

Kenyatta iyo Rooble oo hadiyado isdhaafsanaya

Mombasa (Wararka PP) — Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Mombasa kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ‘Waa’ cusubi uu u baryay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya”.

Uhuru wuxuu ku baaqay in la dardargeliyo hirgalinta Guddiga Iskaashiga ee Wadajirka ah, wuxuu kale oo ku baaqay in “muranka badda loo xalliyo si saxiibtinimo leh”.

Ma cadda jawaabta uu Rooble bixiyay xilli Maxkamadda Caalamigu ay gacanta ku hayso kiiska muranka badda u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Kenyatta wuxuu soo dhoweeyay soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Toddobaadkii hore Wasiirka Arrimmaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ayaa booqasho ku timid Soomaaliya.

© Puntland Post, 2021