Messi oo ka tagay Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uu ka tagay Lionel Messi, kadib markii ay fashilmeen wadahadalo maalmihii la soo dhaafay u socday kooxda iyo ciyaaryahanka.

Heshiiska uu Messi kula joogay Barcelona ayaa dhacay 30 June 2021, wuxuuna diiday in uu saxiixo heshiis cusub.

Messi oo Barcelona u ciyaarayay tan 2003 ayaa u saftay 778 kulan, wuxuuna u dhaliyay 672 gool, halka uu caawiye ka ahaa 305 gool.

Wuxuu la qaaday Barcelona 10 koob oo horyaalka La Liga ah, 7 Cupa Del Rey, 8 Supercope De Espana, 4 Champions Leugue, 3 UEFA Super Cup iyo 3 Clup World Cup.

Messi oo 34 jir ah ayaa xiddiga ugu wanaagsan adduunka ku guuleystay 6 jeer, sanadkana wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda u tartamaya.

Lionel Messi ayaa hadda la filayaa in uu midkood aado kooxaha PSG iyo Man City.

PUNTLAND POST