Xagee marayaa tartanka ciyaaraha gobolada Puntland?

Waxaa si habsamiya garoonka ciyaaraha Mire Awaare Garowe uga socda tartanka kubbadda cagta gobolada Puntland oo maraya heerka bug-baxa ama guruubyada.

Xulka gobolka Nugaal ayaa maanta kulankoodii labaad la ciyaaray gobolka Haylaan oo kulankii koowaad u ahayd, waxayna ciyaartaasi ku dhamaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday Nugaal, sidoo kale waxaa dhacay kulan labaad oo dhexmaray Bari iyo Sanaag, kaas oo ku idlaaday barbardhac 2-2 ah.

Gobolka Bari oo ciyaaray labo kulan ayaa hoggaaminayo guruubka ‘A’ oo ah mid dhimasho ah, wuxuuna leeyahay 4 dhibcood, halka Nugaal oo ciyaartay labo kulan ay leedahay 3 dhibcood, Sanaag oo isna ciyaaray labo kulan ayaa leh 2 dhibcood.

Sidoo kale gobolka Sool oo ciyaaray hal kulan ayaa leh 1 dhibic, halka Haylaan oo isna hal kulan ciyaaray uusan la hayn dhibco.

Dhanka kale guruubka ‘B’ waxaa wada hoggaaminaya Mudug iyo Karkaar oo kulamadoodii ugu horreeyay ee tallaadadii guulo ku furtay.

Labada guruub waxaa midkiiba laga rabaa 2 gobol, waxaana 4-ta gobol ee soo baxda ay u gudbi doonaan wareega afar dhamaadka tartanka.

PUNTLAND POST