Baarlamanka Puntland oo dib uga soo laabtay todobaad fasax ah

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah dib u bilaabaya fadhiyadoodii caadiga ahaa, kadib fasax ay ku maqnaayeen mudda todobaad ah.

Ajandaha keliya oo ka harsan Kal-fadhiga 48-aad Baarlamanka, ayaa ah doorashada xubnaha  Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.

Mudanayaasha Baarlamanka, ayaa la filaya in ay maalmaha u haray  guda-galaan arrimaha ku saabsan doorashada xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya Puntland.

Sidoo kale, madaxweyne Siciid Deni ayaa isna todobaadkan lagu wadaa in uu soo gudbiyo liiska xubnaha u sharraxan doorashada Aqalka sare, kuwaas oo la filay in ay ka soo muuqdaan dad ka tirsan dowladdiisa.

PUNTLAND POST