Mas’uul ka tirsan Somaliland oo xalay lagu dilay Laascaanood

Mas’uul sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xalay lagu dilay  magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Sool Cabdullaahi Laba-go’le ayaa lagu dilay bartamaha Laascaanood sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Dilka marxuum Laba-go’le ayaan weli cidna loo qaban inkastoo ciidanka Booliiska Somaliland ay hawlgal ka sameeyeen xaafadda dilkaasi ka dhacay.

PUNTLAND POST