Xubnihii u horreeyay Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta Kismaayo lagu doortay

Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland ayaa maanta oo Khamiis ah doortay xubnihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

 Kursiga u horreeya waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday.

Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare, wuxuuna difaacday kursigan oo uu horay ugu fadhiyay.

Fartaag ayaa helay 71 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu sida la sheegay tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo la tartami lahaa, waxaana ka aamusay laba xildhibaan.

Sidoo kale, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa noqday musharraxa kusoo baxay kursiga saddexaad ee golaha Aqalka Sare ee maanta la qabtay doorashodooda.

Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa helay 59 cod, waxaana uu ka guuleystay Xaliimo Jaamac Maxamed, oo iyaduna heshay 12 cod. Waxaa xumaaday hal cod.

Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey.

PUNTLAND POST