Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda Ingiriiska

Ra’isul Waaaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee waddanka Britain Dominic Raab.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arimaha amniga, xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo la dagaalanka aragagaxisada.

Ra’isul Wasaare Rooble, ayaa dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageeradda dhinacyada kala duwan ee siisoSoomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka mid ah madaxda lagu casumay shirka waxbarshada London ayaa maanta ka qeybgalay falanqeyn ku saabsan waxbarashada oo ay ku wehliyeen madaxweynayaasha dalalka Sierra Leone iyo Niger.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay in khilaafaadka iyo masiibooyinka dabiiciga ee ka jiray Soomaaliya sanado badan ay si weyn u ragaadiyeen waxbarshada gaar ahaan xilligii uu sida weyn sare ugu kacay Cudruka Carona, wuxuuna xusay in ay Soomaaliya u dheertahay dagaalka ay kula jirto kooxda ee Al-shabaab.

PUNTLAND POST