Dad ka soo jeeda Somaliland oo lagu af-duubtay Gobolka Sool

Dabley hubaysan oo ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa xalay degaanka Carrooley ee Gobolkaas ka af-duubtay dad rayid ah, oo ka soo jeeda magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Somaliland.

Dadkan rayidka ah ayaa la af-duubtay, xilli ay socdaal kaga yimaadeen beeraha XALIN oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Dableyda af-duubka gaystay ayaa sida wararku sheegayaan la-hayb ah nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, kaas oo mudda bil ah ku xiran magaalada Berbera.

Cabdikariin Cali Nuur oo u dhashay Gobolka Sool, ayaa Somaliland xirtay kadib markii uu dhawr jeer warbaahinta dhaliilo ka jeediyay.

PUNTLAND POST