Muhaajiriin Ku geeriyootay dooni Ku degtay Xeebaha Liibiya

57 Muhaajiriin ayaa laga cabsi qabaa inay ku geeriyoodeen Dooni shalay ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalkaasi.

 Afhayeenada Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM, Safa Mesheli waxay tilmaamtay in Doonidasi oo ay la socdeen ugu yaraan 75 Muhaajiriin Afrikaan ah ay maalintii Axadda ee la soo dhafay ka soo shiraacatay Xeebaha Degmadda Khumusee Galbeedka Libiya, iyagoo ku wajahnaa Xeebaha Qaaradda Europe.

Waxay intaasi ku dartay in 57 qof ee ku hafteen Badda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen 20-haween iyo 2 carruur, iyadoo la soo badbaadiyey 18 qof oo ka soo kala jeeda dalalka Nigeria, Ghana iyo Gambia.

Shilka Doonida shalay ku qalibantay Xeebaha Libiya waa shilkii labaad ee wax ka yar hal isbuuc ka dhaca meel ka baxsan Xeebaha Libiya, iyaadoo ay ugu yaraan 20 Muhaajiriin ah ku dhinteen Dooni degtay Arbacadii la soo dhaafay.

PUNTLAND POST