Madaxweynaha Jubaland oo kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka dadban

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Jubbaland.

Xubnaha guddiga labada heer iyo madaxweynaha ayaa isdhaafsaday talooyin ku qotoma geeddi socodka doorashada, iyo diyaar garowga qabashada doorashada Aqalka Sare

Madaxwaynaha ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ay hayaan guddiga waxa uuna sheegay in uu rajo wanagsan ka qabo in shaqooyinka adag ee loo igmaday ay si hufan oo hagar la,aaneed ay u gutaan.

Sidoo kale, wuxu kula dardaarmay inay si daacad ah u gutaan waajibaadka saaran, isla mar kaana u dhabar adaygaan duruufaha qalafsan ee ku xeeran xayndaabka doorashada.

PUNTLAND POST