Dad Rayid ah oo lagu laayay miyiga degmada Galdogob

Dabley hubaysan ayaa dad shacab ah xalay ku laayay baadiyaha degaanka lagu magacaabo, Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Laba nin oo kamid ah xoola-dhaqatada miyiga Dhagxanya-cadde ayaa ku dhintay weerarka, halka mid kalena ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen dadka degaankaas.

Weerarkan oo la rumaysanyahay in uu la xiriiro aanooyin qabiil, ayaa dableyda fulisay ka yimaadeen dhinaca degmada Saaxo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST