Maxaa ka jira in anshax-marin lagu samayn doono xildhibaan Kuluc?

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay jeedinayay codsi ku saabsan in anshax-marin lagu sameeyo xil. Axmed Cabdiraxmaan Jaamac (Kuluc), kaas oo horay u dhaliilay wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

Xildhibaannada ayaa sheegay, in mudane Kuluc uu been-abuur ka sameeyay Golaha, islamarkaana lagu qaado anshax-marin, haddii uusan raalli-gelin ka bixin hadalkiisi ahaa in wax-ka beddelkii lagu sameeyay xeer-hoosaadka uusan waafaqsanayn Dastuurka.

Sidoo kale, waxa jirtay in Guddoonka Golaha Wakiilada oo la kulmay Xildhibaan Kuluc ay ka codsadeen in uu raalli-gelin ka bixiyo hadalkaas, inkastoo xildhibaanku diiday codsigooda, isagoo ku adkaystay in uusan wax been-abuur ah ka sheegin Golaha.

Guddiga Anshaxa Golaha Wakiilada oo shalay lagu wareejiyay arrinta Xildhibaan Axmed Kuluc ayaa sidoo kale Fadhiga berri laga sugayaa in ay jawaab ku soo celiyaan Golaha.

Dhinaca kale, Xog lagu kalsoonyahay ayaa sheegaysa in lix mudane oo keliya ay dabada ka riixayeen abaabulka ku aaddan in anshax-marin lagu qaado Axmed Kuluc, haddana ay taageero uga waayeen inta badan xildhibaannada Baarlamanka.

PUNTLAND POST