Kooxda ololaha madaxweyne Farmaajo oo xildhibaan la raadinaya Maxamed Cabdirisaaq

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sida la xaqiijiyay u sharraxan  kursi kamid ah golaha shacabka oo laga soo doorto gobolka Mudug.

Wasiirka oo taageero xooggan ka helaya kooxda olaha doorashada u qaabilsan madaxweyne Farmaajo, ayaa tartan u geli doona mid kamid ah kuraasta beeshiisu ku leedahay aqalka hoose ee baarlamanka dalka.

Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale Maxamed Cabdirisaaq uu kooxda ololaha Farmaajo wakiil uga yahay gobolka Mudug, islamarkaana doonayo in uu xildhibaanno uga soo saaro.

Waxa xusid mudan, in wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu ilaa saddex jeer golaha amniga qaramada midoobay u gudbiyay qoraal ka dhan ah Puntland iyo Jubaland wakhtigii muranka arrimaha doorashada.

Qoraalkiisi u dambeeyay ayuu ku sheegay in Puntland iyo Jubaland ay yihiin caqabadda ugu weyn ee hor-taagan xallinta khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.

PUNTLAND POST