GAROOWE: Beesha Maxamed Ciise oo jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeeray Abokor Ciise

Odayaasha iyo Cuqaasha Beesha Maxamed Ciise, oo ka tirsan Beel-weynta Ciise Maxamuud, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Beesha Abokor Ciise.

Odayaasha oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa raalli-gelin ka dalbaday qaar kamid ah Nabadoonada iyo Cuqaasha Beesha Abokor Ciise, oo sida ay sheegeen gef iyo xaqiraad ku sameeyay.

Sidoo kale, waxay ka hadleen saamiga kursiga Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo laga soo doorto Gobolka Nugaal.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST