Maxkamadda degmada Caluula oo xukuntay rag ku eedaysan kufsi wadareed

Maxkamadda degmada Caluula

Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Caluula oo ka tirsan gobolka Gardafuu ayaa maanta xukuntay afar nin oo ku eedaysnaa kiis kufsi wadareed ah.

Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay caddaymo muujinaya in afartaas eedaysane ay ka dambeeyeen kufsi wadareed degaanka loogu gaystay dhibbane Samsam Saalax Muuse.

Maxkamada ayaa min 12 sano oo xabsi ah ku ridday afartan eedaysan kadib markii ay dhegaystay soo jeedinta Xeer ilaalinta iyo caddaymihi la soo bandhigay.

PUNTLAND POST