Garoowe: Digniin laga soo saaray kursiga aqalka sare ee gobolka Nugaal

Nabadoonada iyo cuqaasha beesha Abakor Ciise oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa digniin la xiriirta kursiga aqalka sare u jeediyay madaxweynaha Puntland siciid cabdulaahi Dani.

Cuqaasha iyo nabadoonada ayaa sheegay in suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo islaan Ciise islaan Maxamed ay kursiga aqalka sare ee gobolka Nugaal u saxiixeen mudane Ibraahim  Faarax Gaas sidaasna loogu gudbiyay madaxweyne Dani.

Odayasha ayaa madaxweynaha Puntland uga digay in uu kursiga aqalka sare siiyo cid aan ahayn Ibraahim Faarax Gaas oo beeshiisa iyo isimada gobolka Nugaal u saxiixeen xubinimada aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.

hoos ka daawo muqaalka odayaasha

PUNTLAND POST