Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Garoowe

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo mudda bil ku dhow safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sida la xaqiijiyay safaro la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya wuxu ku tegay dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta, inkastoo aysan jirin xogo dheeriya oo laga helay safarkiisa.

Magaalada Garoowe, waxa ka socota qaban-qaabada soo dhowayn ka duwan kuwii hore oo la doonayo in loo sameeyo madaxweyne Siciid Deni, xilli uu ku jiro olole la xiriira doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa laga sugaya in uu maalmaha soo socda Baarlamanka Puntland u gudbiyo liiska dadka u tartamaya doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST