Baarlamanka Puntland oo maanta magacaabaya guddiga doorashada Aqalka sare

Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah yeelanaya fadhiga 16-aad ee Kal-fadhigooda 48aad, kadib markii ay ka soo laabteen fasaxii Ciidda Carrafo.

Fadhiga maanta ayaa sida qorshaysan lagu magacaabaya guddi ka kooban 9 xildhibaan oo qaabilsan maamulidda doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa isna laga sugaya in uu maalmaha soo socda Baarlamanka u gudbiyo liiska dadka u tartamaya xubnaha Aqalka sare.

Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka dalka ayaa bilaaban doonta Axadda todobaadka soo socda oo ku beegan 25-ka July 2021 sida ku cad jadwalka doorashada.

PUNTLAND POST