Dowladda Belgium oo ku dhawaaqday baroor qaran

Belgium ayaa qabanaysa maalin baroordiiq ah oo lagu xusuusanayo 31 qof oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen daadadkii waddanka ku soo rogmaday todobaadkii hore. 70 kale ayaa weli la la’ yahay.

Calanka ayaa duhurnimadan maanta hoos loo dhigayaa, waxaana is qabsanaya dhawaaqa wiishashka ka hor inta aan la oogin daqiiqad aamusnaan ah.

Ugu yaraan 120 qof ayaa ilaa haatan la ogyahay inay ku dhinteen daadadka ku dhuftay galbeedka Yurub, kuwaasi ayaa intooda badan ku dhintay Jarmalka.

Tan iyo markii ay daadadku dib u soo laabteen, boqolaal of ayaanan geeri iyo nololba lagu haynin.

PUNTLAND POST