Diyaarad rakaab oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Ceelwaaq

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in garoonka degmadaas ay maanta ku dhacday diyaarad rakaab sidday.

Diyaaradda oo sidday 45 ruux oo rakaab ah ayaa ka soo kicitintay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya waxaana sida la sheegay ay u socotay magaalada Ceelwaaq ee Gobolkaas Gedo.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Ceelwaaq ayaa laga soo xigtay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed, isla markaana dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda laga soo saaray iyaga oo bad qaba.

Ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyay shilkaas diyaaradeed.

PUNTLAND POST