Shaqa bilic soo celin ah oo xalay laga sameeyay Gaalkacyo

Saraakiisha Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo kaashanaya ururada Is-xilqaamayaasha Gobolka ayaa xalay shaqo bilic soo celin ah ka qabtay Laamiga isku xira labada dhinac ee Gaalkacyo.

Saraakiisha iyo Is-xilqaamayaasha ayaa ku guulaystay in ay nadiifin ku sameeyaan Laamiga weyn islamarkaana ka qaadaan qashin badan oo daadsanaa dhinacyada Laamiga.

Sidoo kale waxay shacabka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan bilicda iyo nadaafadda magaalada Gaalkacyo.

Tallaabadan ayaa ku soo aadday xilli ay ku beegantahay maalinta kowaad ee Ciidda Carafo.

PUNTLAND POST