Qarax khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Ciraaq

Qarax khasaare badan dhaliyay, ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda waddanka Ciraaq, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas.

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhintay, in ka badan tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo laga iibsanayay dharka ciidda.

Dadka ku dhintay qaraxaas ayaa u badnaa qoysas u diyaar-garoobayay dabaal-degga ciidda Carrafo oo ku beegan Talaadada maanta ah.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, iyadoo dowladda waddanka Ciraaq aysan weli war rasmiya ka soo saarin khasaaraha qaraxaas.

PUNTLAND POST