Hoggaamiyaha Al-shabaab oo digniin adag ka soo saaray doorashooyinka Soomaaliya

Hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cumar Abu-Cubayda oo laga soo duubay hadal dhegaysi ah, ayaa digniin ka soo saaray ka qayb-qaadashada arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Al-shabaab, ayaa si adag uga digay odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka beelaha, in ay doortaan xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka dalka, isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug-yeelata doorashada.

Abu-Cubayda ayaa doorashooyinka ku tilmaamay kuwa dalka lagu gelinayo gumeysi horleh, islamarkaana ay dabada ka riixayaan dalalka Reer Galbeed iyo Beesha Caalamka.

Axmed Cumar Abu-Cubayda ayaa sidoo kale cambaarayn kulul u jeediyay warbaahinta Soomaalida oo sheegay in ay caadaysteen been iyo borobagaandho ka dhan ah Al-shabaab, si ay u raalli geliyaan Reer Galbeedka.

Amiirka Al-shabaab ayaa hadalkiisu u badnaa digniino iyo hanjabaado ku wajahan cid kasta oo ka qayb-qaadata arrimaha doorashooyinka Soomaaaliya.

PUNTLAND POST