Talyaaniga oo ku guuleystay koobka Yurub

Talyaaniga ayaa riigoorayaal 3-2 uga adkaay Ingiriiska ciyaartii kama-dambaysta koobka qaramada Yurub 2020 ee ka dhacday Wembley, taas oo waqtigii caadiga ahaa ku dhamaatay 1-1.

Luke Shaw ayaa bilowgii ciyaarta hoggaanka u dhiibay xulkiisa, markii uu qadiiqadii 2-aad dhaliyay goolkii uga dhaqsiyaha badan ciyaar kama-dambays qaramada Yurub.

Balse waxaa rajadii Ingiriiska ee ahayd in ay 55 sano ka dib ku guuleystaan koob weyn burburiyay daafaca Azzurri, Leonardo Bonucci oo goosha bareejada dhaliyay ciyaarta oo ay ka dhiman tahay rubuc saac.

Ciyaarta oo ahayd mid adag ayaa waqtigii caadiga iyo midkii lagu kordhiyay ku dhamaatay 1-1, taas oo sababtay in la dhigo riigoorayaal ay guushu ku raacday Talyaaniga.

Goolhayaha reer Talyaani Gianluigi Donnarumma ayaa ahaa halyeeygii Azzurri ee bixiyay labo ka mid riigoorayaasha, halka Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka oo bedel ku soo galay ay ku guuldareysteen in ay soo taabtaan shabaqa uu waardiyaha ka hayo Donnarumma.

Waa markii labaad oo Talyaanigu ku guuleysto koobka qaramada Yurub, horey wuxuu u qaaday sanadkii 1968-kii oo laga joogo 52 sano.

Dalka Talyaaniga ayaa looga dabaal-degayaa guusha uu xulkoodu gaaray, halka Ingiriiska looga murugeysan yahay koobka London laga qaadayo ee la geynayo Roma.

PUNTLAND POST