Talyaaniga oo u soo baxay kama-dambaysta koobka Yurub

Xulka kubbada cagta Talyaaniga ayaa u soo baxay kam-dambaysta (final) tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, ka dib markii uu kulankii afar dhamaadka gool kulaadyo uga adkaaday xulka Spain.

Talyaaniga ayaa kulanka gool la hormaray daqiiqadii 60-aad waxaana u saxiixay Federico Chiesa, hase yeeshee waxaa Spain qadiiqadii 80-aad u barbareeyay Alvaro Morata oo baddel ku soo galay ciyaarta, waxaana 90-qadiiqo ku dhmaatay 1-1.

30-kii daqiiqo ee dheeriga ayaa labada xul midkoodna awoodi waayay in uu keeno goolal, waxaana la aaday riigoorayaal uu 4-2 ku adkaaday xulka Talyaaniga.

Xulka Talyaaniga ayaa sugaya midkood kii soo baxa xulalka England iyo Denmark oo Arbacada fooda isdari doona.

Kulanka kama-dambaysta tartanka Euro 2020 ayaa la ciyaari doonaa Axada July 11, 2021, wuxuuna ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London.

PUMTLAND POST