Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed

Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta hoygiisa caasimadda Garoowe ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah Isimada waaweyn ee Puntland.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook ku daabacay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayuu ku sheegay in uu hoygiisa ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Sidoo kale, wuxu sheegay in booqashadiisa uu Islaanka ugu tagay ay ahayd Salaan oo kaliya.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta booqasho salaan ah ugu tagay hoygiisa islaan Ciise Islaan Maxamed.”

PUNTLAND POST