Yaa loo saadaalinaya guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla?

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa xalay shaacisay liiska cusub ee xubnaha golaha degaanka degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar.

Liiska oo ka kooban 23 xubnood waxa kamid ah 4 haween waxaana la filayaa in ay saaka doortaan guddoonka golaha ahna guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla.

Guddoomiyihii hore ee Bander-beyla  Siciid Aaden Cali Anteeno ayaan isagu kamid ahayn dadka u tartamaya xilka guddoonka golaha degaanka kadib markii uu tanaasulay.

 Dadka u tartamaya xilka guddoomiyaha Bander-beyla waxa haatan ugu cad-cad Cabdirashiid Yuusuf Cali Jaamac (Cabdirashiid Daacad) kaas oo la saadaalinayo in uu ku guulaysto guddoomiyaha degmada.

PUNTLAND POST