Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeelatay Safiirka dowladda Filand

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Fawziya Abiikar Nuur, ayaa kulan gaar ah la yeelatay safiirka dowladda Filand u qaabilsan Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Eritrea Amb. Erik Lundberg.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga wada-hadlay arrima ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka caafimaadka, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska wasiir Fawziya.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ugu dambeyntii uga mahadcelisay safiirka Filand dadaalka ay dowladdisu  ka wado Soomaaliya iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda caafimaadka.

PUNTLAND POST