Ciidanka Badda Puntland oo qabtay markab Jariif ah

Cutubka Ilaalada Badda u qaabilsan Ciidanka PMPF, ayaa Arbacadii hawlgal qorshaysan ku qabtay Markab kalluumeysi, kaas oo si sharci-darro ah uga jillaabanayay xeebta degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cafiish, ayaa sheegay in markabka hawlgalka lagu qabtay uusan dowladda Puntland ka haysan wax rukhsad kalluumeysi ah.

Cafiish ayaa sidoo kale sheegay in markabka ay saaran yihiin 10 shaqaale ah oo ka kooban hal injinee, Kabtan iyo sideed qof oo kalluumeysato ah, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin dalka ay ka socdan markabka iyo shaqaalaha saaran.

PUNTLAND POST