Xooggaga Tigray oo gacanta ku dhigay qayba kamid ah Waqooyiga Itoobiya

Xoogaga Fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro magaalo ah halkaas oo dad sheegeen inay arken dagalyahanada oo rondo sameynayo.

Milatariga itoobiya ayaa sheegashoyiinkaas meesha ka saaray waxayna ku tilmaamen warar been abuur ah.

Dagaalkan ayaa ah kii ugu cuslaa tan iyo bishii Nofeembar, markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalkii hore dalkas ugu dhacay.

Dalkaas ayaa hada waxaa ka socda doorashooyin ay muran badan ka keeneen xisbiyada siyaasadeed ee dalkaas kuwaas oo sheegay in doorashada ay ka dhacday wax isdaba marin.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in qaar kamid ah madaxda xisbiyada mucaaradka ah loo diiday iney tagaan goobaha ay ka dhaceysay doorashada kadib markii ay is dhaheen kormeer ku taga balse loo diiday.

PUNTLAND POST