Madaxweynaha Filipino oo hanjabaad u diray dadka diidan talaalka COVID-19

Madaxweynaha Filipino Rodrigo Duterte, ayaa ku hanjabay inuu xiri doono dadka diidan inay qaataan talaalka ka hortaga Corona Virus.

Dadka diiday in aay qataan Cirbada ka hortaga Corona waxay kala dooran doonaan qaadashada tallaalka ama xabsi ” ayuu Duterte ku yiri  khudbad telefishanka Filipino laga sii daayay fiidnimadii Xalay, ka dib markii inta badan Shacabka ku nool caasimadda  dalkaasi Manila ay diideen in ay qataan Tallaalka ka hortaga Covid 19.

Dalka Filibiin ayaa hadda si adag ula dagaallamaya  xanuunka Corona Virus, iyadoo wadarta dadka xanuunkan laga helay ay gaarayaan 1.3 milyan oo qof,  halka dad gaaraya 23,000 ay  u dhinteen xanuunkan.

PUNTLAND POST