Dagaal dhexmaray Booliiska Haramcad iyo Al-shabaab

Dagaal u dhexeeyay Booliiska Haramcad ee dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, ayaa xalay ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii xubno ka mid ah Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Bar koontarool oo Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi, gaar ahaan halka laga ilaaliyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Haramcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Shabaabka, isla markaana uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray dhinacyada.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen saddex kamid ah xubnihii weerarka ku qaaday Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Barta koontarool ee ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi.

PUNTLAND POST