Culimada oo jawaab ka bixiyay eedayn ka timid xukuumadda Puntland

Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur, oo kamid ah Culimaa’udiinka ka horyimid xeerka Puntland ku mamnuucday gudniinka gabdhaha, ayaa jawaab ka bixiyay warkii shalay ka soo yeeray dowladda.

Sheikh Fu’aad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, eedaynta ka timid wasiirka Caddaalada Puntland, oo ku saabsan in culimadu ay siyaasad ahaan u diiddan yihiin go’aanka xukuumadda.

Wadaadka ayaa sheegay in muranka taagan xeerka gudniinka gabdhaha, uu soo bilowday wakhtigii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole, sidaas darteedna uusan ahayn siyaasad ka dhan ah xukuumadda Deni.

Sidoo kale, wuxu hoosta ka xarriiqay in aysan jirin colaad ka dhexaysa xukuumadda madaxweyne Deni iyo culimaa’udiinka, balse murankaas ku koobanyahay xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha.

PUNTLAND POST